U bood dhigaalka

Shirka Baarlamaannada Afrika oo Maanta Furmay iyo Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa

Sheeko:Caalamka

Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika, waxaa dowladda Soomaaliya uga qeybgalaya guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe , kaas oo isaga iyo wafdi ay hoggaaminayo ay ku sugan yihiin halkaas.

Shirka furmaya Koonfur Afrika ayaa waxaa qorshuhu yahay inuu socdo laba maalmood, waxaana looga hadlayaa  hormarin Baalmaannada Afrika, waxaana madaxda ka qeyb galaysa shirka halkaas isku dhaafsan doonaan talooyinka iyo waxyaabaha ku aadan sidii loo hormari lahaa Baarlmaannada Qaaradda Afrika.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku sugan Magaalada Johannesburg  ayaa waxaa la filaa inta uu ku sugan yahay halkaas inuu kulamo dooceedyo la qaato madaxda kale duwan ee ka soo qeyb galaysa, isaga oo inta badan kala hadlaya sidii loo kordhin  lahaa xiriirka Baarlamaanka Soomaaliyaay la leeyayahay Aafrika.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isugu yimaada guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika, iyadoo looga hadlo sidii iskaashi iyo xiriir joogta ah ay u yeelan lahaayeen, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta Jimcaha ah gelinkeeda dambe, warmurtiyeena laga soo saaro wixii laga wada hadlay.

Goobjoog News