U bood dhigaalka

SHIRKA BANBAXA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO MUQDISHO KA FURMAY

Sheeko:Amniga

Muqdisho, 10ka Janaayo 2023: Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu qorsheynayo howlaha hortebinta u leh caasimadda ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu dhammeystirmay hoggaanka cusub ee gobolka loo magacaabay.

Shirka oo muddo afar maalin ah soconaya ayaa waxaa ka qeybgalaya maamulka sare, Agaasimeyaasha, la taliyeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka, waxaana la qorsheynayaa in diiradda lagu saaro; Istraatiijidda Guud ee Gobolka shanta sano ee soo socota oo lagu saleynayo baahiyaha taagan iyo sidii loo dabooli lahaa, ayadoo lagu larayo shaqo tilmaame cad oo lagu howlgalo iyo qorshe howleed guud oo lagu qiimeyn karo wixii hore u qabsoomay.

Shirka ayaa sidoo kale, waxaa lagu lafaguri doonaa dib u hagaajinta iyo casriyeynta qalfoota maamul ee gobolka si uu ula jaanqaado istraatiijiyadda guud. Waxaa sidoo kale muddadaan la soo bandhigi doonaa habka ay u shaqeyneyso miisaaniyadda gobolka iyo habka lagu saleeyay howlaha hortebita u leh bulshada iyo adeegyada lagama maarmaanka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa furitaanka shirka ka xusay baahida loo qabo nidaam daahfuran, karti leh oo ku shaqeeya habraaca la wada ogyahay oo natiijadiisu keeni karto caasimad hormarsan.

“Waxaa adeeg hufan bixin kara maamul isaga nidaamsan oo shaqooyinkiisa kala yaqaana oo leh si la iskula xisaabtamo, isku dubarid iyo howl socodsiin qoran oo muddeysan ayaan halkaan ka soo saareynaa, si ay u fududaato inaan adeeg dadweyne oo baahsan aan bixino” ayuu yiri guddoomiye MAdaale.

“Isku jaangooynta dhaqaalaha, shaqaalaha, howlaha loo baahan yahay iyo adeegyada waajibka ay tahay inaan bixinno ayaan soo bandhigeynaa, annaga oo barayna howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta sida arrintaan looga howlgalaayo” ayuu raaciyay.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure ayaa xusay in isbeddel lagu sameeyo hab-nonoleedka bulshada caasimadda ay ku xiran tahay in la beddelo habkii loo maamuli jiray Gobolka oo ay tahay in laga fikiro nidaam la jaanqaadayo xilligan.

Guddoonka cusub ee gobolka Banaadir ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa dejinta istraajiiyadda uu gobolku ku howlagayo shanta sano ee soo socota oo isugu jirta hiigsiyada, halbeegyada, dakhliga, habr-aacyada maamulka, taas oo looga golleeyahay kordhinta adeegyada dadweynaha ee uu gobolu bixiyo.

-DHAMMAAD