U bood dhigaalka

Shirka Bangiga Hormarinta Afrika oo Ka Furmaya Magaalada Sharma Shiikh

Sheeko:Amniga
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Malaagada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda iyo Madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.
Waasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay kulankii ay yeesheen in ay kaga wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha. Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.
Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar Shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, waxaana kasoo qeyb gali doona madax kalw duwan oo ka socota wadamada Africa iyo Bangiga Adduunka iyo hey’adalo kale, kuwaas oo daneynaya Qaaradda Afrika iyo sidii hormarin dhalaale loogu sameyn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha.
Goobjoog News