U bood dhigaalka

Shirka Brussels Oo Maanta Ku Eg

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo shalay magaaladaasi ka furmay.

Waxaa shirkaan ka qeybgalaya dowladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, UN, EU, IGAD, AU, IMG iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Maanta waxaa la geli doonaa wejiga Labaad ee shirkan, waxaana looga hadli doonaa arrimo aad u muhiim ah, iyadoo madaxda caalamka qaarkood ay maanta si rasmi ah shirkan uga qeybgali doonaan.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka, AMISOM, cafinta deymaha Soomaaliya iyo arrimo kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco whararkeena kale

Goobjoog News