U bood dhigaalka

Shirka Caafimaadka Ee Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya Oo Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Sheeko:Amniga

Shirkii 4-aad ee Culuumta Caafimaadka oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud, Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr Maxamed Maxamuud Bideey, Macallimiin, Cilmibaarayaal.

Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, soo laba kacleynta Covid-19 iyo soo bandhigidda Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Gudoomiye ku xigeenka Cilmi baarista iyo horumarinta Jaamacadda Jamhuuriya ahana Gudomiyah Gudika Qabanqaabada Shirka Qaasim Cabdi Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 20 cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo Dalka

Dhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayey nayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed

Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Caafimaadka ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono.

Goobjoog News