U bood dhigaalka

Shirka Caalamiga ah ee TEDx oo Ka Furmay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

IMG_3681Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmey shirweynaha caalamiga ah ee TEDx kaasi oo la’isku dhaafsado aragtiyada waxgalka ah oo inta badan laga dhagaysto dadka bulshada waxtarka u ah ama wax kusoo kordhiyey adduunka.

Shirka ayaa waxaa daah furey wasiir Faarax Cabduqaadir oo sheegey in uu ku faraxsanyahay in ay Muqdisho noqotey meel haatan lagu qabto shirarka caalamiga ah, taalana rajo iyo horumar.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iimaan Iikar, wuxuuna soo bandhigey waxqabadka dowladda hoose ee Muqdisho, isaga oo kasoo qeybgalayaasha shaashada darbiga ka tusiyey sawiro muujinayay mashaariic nadaafadeed iyo kuwa kale oo dowladda hoose ay fulisey.

Qofkii ugu xiisaha badnaa ee madasha ka hadlay waxa uu ahaa nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ah macalin mac-had lagu barto ciyaarta Kartaayda loo yaqaano, wuxuuna ka sheekeeyey sidii uu usoo bartay ciyaartaasi, islamarkaasina u suurogaliyey in uu iskuul ka furo Muqdisho.

Wiilkani oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaaji ayaa sheegey in uu dalka Itoobiya kusoo bartay Kartaayda, kuna qaatay illaa shahaado jaamacadeed, kadibna kusoo laabtay Muqdisho si uu iskuul lagu barto Kartaayda oga furo.

Wuxuu soo bandhigey filim muujinaya sida uu dhalinyarada u tabobaro, waxana ay dadkii aad ola dhaceen fikradani ku cusub dalka.

Shirka ayaa halkiisa kasii soconaya, waxaana hadalo ka jeedinaya dad kala duwan oo lagu soo xulay waxqabadkooda iyo aragtiyada cusub ee ay dalka ka hirgaliyeen.

IMG_3681 IMG_3685 IMG_3691 IMG_3692 IMG_3696 IMG_3703 IMG_3706 IMG_3707 IMG_3712

 

Goobjoog News