U bood dhigaalka

Shirka Copenhagen oo maanta la filayo in uu furmo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 19 November 2014, la filaayaa in magaalada Copenhagen uu ka furmo shir looga hadlayo Hiigsiga 2016 kaa oo ay soo qaban qaabisay dowladda Denmark.

Shirkaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin matalaysa wadamada Yurub iyo sidoo kale xubno ka socda wadamada deeq bixiyaasha ah.

Dhanka Soomaaliya waxaa kaga qeyb galaaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinaayaan wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah gobalada dalka.

Wakiilo ka socda qaar ka mid ah maamul gobaleedyada dalka ka jira ayaa iyaguna ka qeyb galaaya shirkaan.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicolas Kay ayaa isna halkaasi ku sugan, waxaana uu goobjoog ka ahaan doonaa shirkaan.

Dowladda Mareekanka waxay horay u sheegtay in aysan wafdi u diri doonin shirkaasi, iyada oo walaac ka muujisay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News