U bood dhigaalka

Shirka Dib u Heshiisiinta Baladweyne Oo Gabagabo Maraya

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka socda shir dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay ka qeybgalayaan inta badan beelaha degan gobalka Hiiraan, waxaana xilligaan uu marayaa heer gabagaba ah.

Guddiga shirkaasi ayaa horay u sheegay in shirka Baladweyne uu dhamaan doono 21-ka bishaan, hase ahaatee waxaa jirta in Laba beel oo shirka ka maqan.

Gudoomiyaha guddigaasi Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo u waramay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in shirka hadda uu gabagabo yahay, balse laga yaabo in waqti lagu daro, maadaama beello reer Hiiraan ah ay shirka banaanka ka joogaan.

“Shirka anaga waxaan horay u qorsheenay in uu dhamaado 21-ka bishaan hase ahaatee waxaa laga yaabaa wada hadalka oo socda in waqti kale lagu daro” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed ayaa rajo ka muujiyay in la xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan Labada beel ee ka maqan shirka Baladweyne, islamarkaana heshiiska uu noqdo mid beelaha Hiiraan u wada dhan yihiin.

“Laba beel oo kaliya ayaa ka maqan shirka Baladweyne, iyagana waxaa loo diray guddi si loo xaliyo waxa ay tabanayaan, sidoo kalena loola heshiisiiyo beelaha kale ee shirka ka qeybgalaya iyo kuwii ay  horay ula dagaallameen” ayuu hadalkiisa raaciyay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

Shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda magaalada Baladweyne waxaa uu si rasmi ah u bilawday 1-da bishii May, waxaana inta shirka uu socday heshiis wada gaaray 9-beel oo ka mid ah kuwa ku dhaqan Gobalka Hiiraan.

Goobjoog News