U bood dhigaalka

Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Baydhabo Maanta Ka Furmayo

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shirka wadatashiga Koonfur galbeed, kaas oo ay ka qaybgalayaan madaxda ugu sareyso dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee maagalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray wafdi horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha  oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.

Baydhabo ayaa waxaa ku sii qulqulaya marti sharaf, siyaasiyiin iyo aqoonka yahanka Koonfur galbeed, kuwaas oo lagu casuumay shirka.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in shirka uu maanta isaga iyo madaxweynaha jamhuuriyadda ay daahfuraan.

Goobjoog News