U bood dhigaalka

Shirka Doorashooyinka Oo Dib u dhacay iyo Jadwalka Imaansha Madaxda Dowlad Gobaleedyada

Sheeko:Amniga

Waxaa baaaqday shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo  maanta sabti ah lagu waday magaalada Muqdisho in uu ka furmo  madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka kadib markii uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxda dowlad gobaleedyada ayaanan intooda badan ku sugneyn magaalada Muqdisho kuwaas oo ka soo dib dhacay shirka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku sugan muqdisho halka madaxda kale ay weli joogaan deeganadooda marka laga reebo madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo safar ku jooga dalka Turkiga.

Shirkan ayaa lagu waday in lagu dhameystiro heshiiskii Muqdisho ay ku kala saxiixdeen 27-kii May magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la filaya in 48-saac ee soo aaddan ay soo gaaran magaalada Muqdisho.

Goobjoog News