U bood dhigaalka

Shirka Doorashooyinka Oo Lagu Wado In La Soo Gabagabeeyo

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada muqdisho maalintiisi lixaad ka socda shirka wadatashiga aarimaha doorashooyinka dalka oo ay yeelanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dhamaan tabashooyinka iyo khilaafadka ka dhashay doorashada dalka ka socota.

Madaxweynayaasha iyo Xukuumadda ayaa hadda la sheegaya in inta badan ajendayaasha shirka xal ay ka gaareen halka qaar kalena weli la isku mari la’yahay.

Illa iyo hadda warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda ay si aad ah uga doodayaan sidii xal looga gaari lahaa amniga doorashooyinka iyo ciddii lagu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga.

Maamulka koonfur galbeed ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan in ra’iisul wasaaraha dalka lagu wareejiyo amniga qaranka.

Maxamed Abukar Cabdi oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in maamulka koonfur galbeed uu ka qeyb galooyo shir lagun dhameynayo doorashada balse uusan qeyb ka aheyn shir lagu wareejinayo amniga dalka.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo ay qabatay laanta afka soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in koonfur galbeed ay kaga qeyb galeyso shirka keliya looga hadlayo doorashada balse aan amniga cid gaar ah lagu wareejineynin.

48-saac ee soo aaddan ayaa lagu wadaa in shirka lagu soo gabagabeeyo iyadoo shirka laga soo saari doono ajendayaal ay kamid yihiin.

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub

Goobjoog News