U bood dhigaalka

Shirka Doorashooyinka Oo Maalintiisi Labaad Muqdisho Ka Socda

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii labaad ka furmaya shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka uuna shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in heshiis kama dambeys ah lagaga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxda ayaa lagu wadaa sidoo kale in ay warbixino ka dhageystaan guddiyada doorashaa iyo hanaanka ay wax u wadaan.

Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo ayaa waxaa kamid ah:-

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub

Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.

Goobjoog News