U bood dhigaalka

Shirka Doorashooyinka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka oo sabti ah furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowald gobaleedyada dalka .

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahim Moalimu ayaa shaaciyay in goordhaw lagu wado in uu furmo shirka doorashada .

“Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS.”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook Maxamed Ibrahim Moalimuu .

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu ka dhacayo Afisyooni uuna shir guddoomin doonno ra’iisul wasaare Rooble
“Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.” ayuu yiri Moalimuu
GooJoog News