U bood dhigaalka

Shirka Dooroshooyinka Oo Maanta Furmayo, Guudlawe oo Zoom Ka Soo Galaya Turkiga

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadashiga arrimaha doorashooyinka dalka .

Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur galbeed, Jubbaland, maamulka Gobalka Banaadir iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka uga furmo Muqdisho.

Shirkan ayaana waxaa joogin madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen .

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, lana xaliyay khilaafkii jiray iyo tabashadii maamulka Hirshabeelle.

Rooble ayaa shegay in Guudlaawe uu shirka kaga qeyb galayo habka fogaan aragga ee Zoom-ka .

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Goobjoog News