U bood dhigaalka

Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Sabtidii shalay ayuu ahaa qorsha furitaanka shirkan, hase ahaatee madaxda maamul goboleedyada oo shalay imaanayey ayaa dib loogu dhigaye.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in maanta oo Axad ah uu shirkaan furmi doono.

Dhamman madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhammaantood marka laga reebo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalin kahor yimid Muqdisho ay shalay soo gaareen magaalada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News