U bood dhigaalka

Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maant oo Arbaco ah, waxaa maalintiisii Labaad galay shirka golaha amniga Qaranka, kaasi oo looga hadlayo arrimo amniga dalka ku saabsan.
Shirkan oo ka socda xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeybgalaya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Gabagabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxa uu ka shiray golaha amniga Qaranka iyo waxyaabaha la isku af gartay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News