U bood dhigaalka

Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconayo shirka golaha amniga qaranka, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim u ah amniga guud ee dalka.

Shirkaan waxaa isku horfadhiya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo ka tirsan golahan, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo amniga quseeya iyo sidoo kale qorshe mideysan oo ammaanka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shirkaan shalay furay, iyadoo madaxdu ay dood ka leeyihiin qorshaha amniga ee Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo golaha amniga ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News