U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wadatashiga Oo Maanta La Soo Xirayo

Sheeko:Amniga

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in la soo gabagbeeyo shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo madaxweynaha dalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka uga furmay magaalada Muqdisho maalintii shalay ahayd.

Shirka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ahaayeen ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka iyo amniga.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlaya saacadaha ka dhiman sidii wax looga qaban lahaa arrimaha abaaraha ee dalka ka jira, la dagaalanka shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta maamulada iyo dowaldda dhexe.

Shirka ayaa la filayaa in madaxda ay ka soo saaraan warmurtiyeed faahfaahsan oo ku saabsan waxyaabihii ka soo baxay shirka inta uu socday.

Goobjoog News