U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Ka Furmaya Baydhabo

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shirka Golaha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladd Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo magaalada ay soo gaareen Wufuud kale duwan oo dhinacyada ka kala socota.

Shirka Wadatashiga Qaran ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka Dhismaha ciidanka xoogga iyo tabariddooda si ay ula wareegaan ammaanka guud, maadaama sanadka soo aadan ay dalka isaga baxayaan ciidanka Nabad ilaalinta howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS loo yaqaano.

Madaxda dowladda Federalka ku matalaysa shirka ayaa ku sugan Baydhabo sida,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud,Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre,Ra,iisulwasaare ku-xigeenka dalka Xaalax Axmed Jaamaca iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Dhinaca Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ku sugan magaalada oo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,Koonfur Galbeed oo martigelinaysa Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Jubbalan Axmed Maxamed Islaam Madoobe,Halka Puntland diiday ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaranka.

Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federalka Dowlad Goboleedka iyo Maamulka Gobolka  Banaadir waa kii sedrxaad ay isugu yimaadaan dhinacyada iyadoo labadii shirka dhacaya iyo kii ka Horsehay uusan qeyb ka aheyn madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntlqnd Siciid Cabdillaahi Deni oo aan qeyb ka noqon heshiiskii ugu dambeeyay ee dhinacyadu ay ku gaareen Muqdusho .Goobjoog News