U bood dhigaalka

Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka furmayo, Akhriso Ajendaha

Sheeko:Amniga

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, halkaas oo dhawaan uu ka furmayo shirka golaha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ka hor shirka, waxaana sidoo kale la filaya in maanta illa iyo waaberiga hore ee maalinta beri ah ay caasimadda soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye QoorQoor, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka ayaa looga hadlayaa ajendayaal ay kamid yihiin sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka.

Goobjoog News