U bood dhigaalka

Shirka golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka furmay

Sheeko:Amniga

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka golaha wadatashiga qaranka kaas oo ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaledyada dalka.

Shirkan waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo  qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.
Goobjoog News