U bood dhigaalka

Shirka Heerka Caalami Ee Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Furmay Turkiga

Sheeko:Dalka

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka furmay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socota dalal dhowr iyo sidoo kale hay’ado caalami ah.

Shirkaan oo dhinacyo badan looga hadlayo ayaa haatan waxaa lagu billaabay ka hadlay qeybtiisa ammaanka, waxaana kasoo qeybgalay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh, kan turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wakiillo ka kala socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa shirkaan ka qeybgalaya madaxda maamul gobaleedyada dalka marka laga reebo maamulka Puntland oo shirkaasi aanu xaadirin.

Shirkaan heerka caalamiga ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa arrimo ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya iyo siyaasadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News