U bood dhigaalka

Shirka Heshiisiinta Laba Beelood oo Wajigiisii Labaad uu Ka Furmay Garoowe

Sheeko:Amniga
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntlnad Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay wejiga labaad ee shirka nabadaynta Beelaha walaalaha ah oo dirirtu ku dhex martay dhowaan deegaannada maamulka Puntland.
Shirkaan oo ah wajigii labaad ee beelaha diriray u furmay  ayaa waxaa dhaqanka labada beelood ku saxiixeen ogolaanshaha gardhiibashada guddiga dhexdhexaadinta oo loo xilsaaray in ay dhexdhexaadiyaan iyadoo madasha shirka lagu dhaariyay .
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka guul u rajeeyay iyo inuu horseedo nabad iyo barwaaqo, waxaana uu  sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay Isimada dhaqanka beelaha.
“Waxaanu diyaar u nahay inaan Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan kala shaqayno wadiiqo kasta oo lagu gaadhayo nabada iyo xasiloonida deegaanka. Guddiyada beelaha ka socda waxaan kula dar-daarmayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan hawsha loo ig maday, waxkastana ay ka eegaan dhinaca nabada iyo horumarka”. ayu yiri Axmed Cismaan Karaash.
Waxaa uu yiri isaga oo sii hadlaya“Dowladdu way awooday inay talaabo ka qaado dhacdooyinkii dhacay, balse waxay door biday inay ka marto dhanka isimada dhaqanka loona wajaho xaaladda si nabad gelya ah, kuma ceebaysnin inaan nabad iyo waan waan ku raadino sidii loo dejin lahaa xaaladda loogana fogaan lahaa wax walba oo keeni kara isku dhac beelaha ah”.
Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa uga mahadceliyey Isimada dhaqanka , guddiga dhex dhexaadinta iyo guddiyada horumarka ay ka sameeyeen xal uhelidda shaqaaqadii dhacday ee u dhexeysay beelahaan.
Goobjoog News