U bood dhigaalka

Shirka IGAD: Soomaaliya oo Dalbatay in Ciidanka Kenya Laga Saaro AMISOM

Sheeko:Amniga

Waxaa aad u sii xumaanaya xiriirka Soomaaliya iyo Kenya kadib markii maanta ay warbaahinta Kenya qortay in shirkii IGAD uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku handaday dhiggiisa Kenya in uu ciidamadiisa ka saari doono AMISOM.

 

Shirkan aan caadiga aheyn ee 38-aad, waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xiisadaha Koonfurta Suudaan, Itoobiya iyo Middka Soomaaliya iyo Kenya iyo xataa hirka 2-aad ee coronavirus.

Madaxda joogtay waxaa ka mid ahaa madaxa shirka ra’aisul wasaaraha Suudaan Xamduuk, madaxweyneyaasha Djibouti, Kenya, Somalia, ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya iyada oo amartay diblomaasiyiinta ka joogay Muqdisho iney todobaad ku baxaan halka ay u yeeratay kuwa ka joogay Nairobi.

Wargeyska Nation ayaa qoray in Farmaajo uu doonayo in ciidamada Kenya eek a tirsan AMISOM uu ku badalo qaar ka tirsan dalka

Eritrea.

 

Sida ku qoran heshiiska lagu dhisay AMISOM ee loo yaqaano (TCCs), dalka martigeliya awood uma laha inuu dhaho dal hebel la la iiga saaro.

Goobjoog News