U bood dhigaalka

Shirka Kobcinta Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Istanbul

Sheeko:Dalka

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka kobcinta dhallinyarada Soomaaliyeed kaasi oo arrimo badan looga hadlay.

Waxaa shirkaan ka qeybgalay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha dalka Turkiga iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Cabdfitaax Faysal oo ka mid ah dhallinyaradii shirkaasi ka qeybgalay ayaa u sheegay Goobjoog News in arrinta ugu weyn ee lagu falanqeeyay shirkaan ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in waxyaabaha ugu muhiimsan ay tahay sidii loo dhiiro gelin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed sarena loogu qaadi lahaa aqoontooda.

“Shirkaan waxaa lagu eegayey dhallinyarada iyo baahiyaha gaarka ay qabto, waxaa kasoo qeybgalay madaxda dalka oo Ra’iisul wasaare Cumar hogaaminayey, dowladda turkigana waxaa uga soo qeybgalay wasiirkooda dhallinyarada, waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ah sare u qaadista aqoonta dhallinyarada, shaqo abuur loo sameeyo iyo arrimo kale oo dhallinyarada aad ugu muhiimsan” ayuu yiri Cabdifitaax Faysal.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u hadashay gabar magaceeda uu kusoo koobay Faadumo oo sharaxaad buuxda ka bixisay baahiyaha ay qabaan dhallinyarada iyo sidoo kale waxyaabaha dhallinyarada ku kalifa in dalkooda ay ka cararaan.

Shirkaan ayaa bar bar socday shirka hiigsiga oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Goobjoog News