U bood dhigaalka

Shirka London Oo Furmay Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbeeyay

Sheeko:Dalka

Shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaaraha Britain Theresa May iyo xoghayaha guud ee Qaramada Madoobe Antonio Guterres ayaa si wadajir ah u furey shirkani.

Sidoo kale shirkaan waxaa ka qeybgalay madax dhowr ah oo ka socota dalalka caalamka qaarkood iyo sidoo  kale ururo caalami ah, waxaana madaxdu ay ka hadashay dhammaan xaaladda dalka.

Madaxweynaha dalka, mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa soo hadal qaaday arrimo badan oo dalka ku saabsan sida amniga, horumarinta iyo sidoo kale deymaha lagu leeyahay dalka.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo codsaday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, sidoo kale laga qaado dalka xayiraadda hubka iyo arrimo kale.

Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale madasha shirka ka hadlay waxaana Soomaaliya loo ballan qaaday taageero in la siiyo waqtigan adag.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News