U bood dhigaalka

Shirka Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Maanta Ka Furmaya Brussels

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona 16-17 bishan July 2018, ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, wasiirro iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeybgali doona dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, UN, EU, AU,IGAD, Bankiga Adduunka, hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Jaamacadda Carabta.

Inta shirkan uu socdo ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha amniga, ciidamada AMISOM, dib u dhiska ciidanka, dhaqaalaha, deymaha cafinta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad furitaan ah oo uu kaga hadlayo arrimaha dalka iyo muhiimadda uu shirkan u leeyahay Soomaaliya.

Goobjoog News