U bood dhigaalka

Shirka Madasha 6-aad Heerka Sare Ee Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Istanbul

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyo shirka Shirka Madasha 6-aad Heerka Sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, kaasi oo madax badan ay ka qeybgashay.

Shirkaan ayaa furmay maalintii shalay ahayd, waxaana maanta gabagabadii la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Yalçın Akdoğan, iyo Ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Michael Keating ayaa jeedin doona gelinka dambe ee maanta khudbadaha soo xiritaanka shirka.

Arrimo u badan farsamada ayaa shirkaan maanta diiradda lagu saari doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News