U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Doorashooyinka Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shirka madasha wadatashiga doorashooyinka, kaasi oo ay ka qeybgali doonaan dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyaqda xubnaha ka ah dowladda.

Shirkaan ayaa maanta ah daah furka madasha, waxaana isku hor fariisan doona madaxda sare ee dowladda Federaalka ah, xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda, Maamul gobaleeydada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo xubno ka kala socda gobalada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu falanqeyn doonaa nooca ay noqon doonto doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016-ka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News