Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka madasha Wadatashiga qaran, kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda Federaalka kuwa maamul goboleeydada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan furay, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo doorashooyinka la xiriira.

Waxyaabaha shirkaan looga hadli doono waxaa kamid ah tabasho dhawaan ka timid xubno dheeraad ah oo aqalka sare loogu daray maamulka Puntland.

Maamulka Galmudug iyo xubnaha matalaya Somaliland ayaa iyagu horay uga biyo diiday xubnaha dheeraadka ah ee Puntland loogu daray aqalka sare.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu falanqeyn doonaa waxa laga yeelayo tabashadaasi iyo sidoo kale geeddi socodka doorashooyinka.

Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeybgalaya ayaa intooda badan waxay magaalada Muqdisho soo gaareen maalintii shalay ahayd.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW