U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmaya Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran oo arrimo muhiim ah looga hadli doono.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya madaxda sare ee DFS, kuwa dowlad goboleedyada oo saacadaha soo aadan tagi doona magaaladaasi.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in shirka madasha uu maanta si rasmi ah u furmi doono.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada dhan lagu soo daadiyey ciidamo isugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News