U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin dhammaan hogaamiyeyaasha maamul gobaleedyada dalka.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxda maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland kuwaa oo si diiran loo soo dhaweeyay.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa qorsheyaasha kale, maadaama hadda la’isku raacay in wax lagu soo doorto nidaam qabiilka 4.5.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waxa uu daba socdaa shirarkii horay xubnaha madasha Wadatashiga qaran ku yeesheen gudaha dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News