U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa Axadii ka furmay shirka madasha wadatashiga qaran, kaasi oo looga hadlayey arrimo badan oo ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirkan, islamarkaana lasoo saaro war-murtiyeedka ay isku afgarteen madaxdii shiraysay.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlayey VOA wuxuu sheegay in diiradda la saaray sidii qaab farsmo ahaan loo hirgelin lahaa nidaamka la’isku raacay ee 4.5.

Waxa uu tilmaamay in hadda uu jiro is faham guud, islamarkaana wax walbo oo ay madaxdu ku heshiisay qoraal ahaan loo soo gudbin doono.

Heshiiska kasoo baxa shirkan magaalada Muqdisho uga socday madasha wadatashiga qaranka ayaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo cod u qaadi doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News