U bood dhigaalka

Shirka Madaxda Dalalka Afrika Iyo Japaan Oo Sir Rasmi Ah Uga Furmay Nairobi, Kenya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa si rasmi ah uga furmay shirka TICAD ee madaxda dalalka Afrika iyo Japan, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlayo.

Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya shirkan, iyadoo madaxweynaha uu kulan gaar ah la yeelan doono madaxda Japan.

Shirkan ayaa Nairobi ka socon doona Labo cisho oo xiriir ah, waxaana waxyaabaha looga hadlayo ka mid ah arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga ammaanka iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka Japan iyo Africa.

Waa markii ugu horreysay oo Africa lagu qabto shirkan, iyadoo markii ugu horreysay shirka TICAD lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1993.

Japan ayaa xiriir dhow waxay la leedahay dalalka Afrika, waxaana shirkaan la filayaa in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo.

003 001 002 004

Goobjoog News