U bood dhigaalka

Shirka Mideynta Dowladaha Hoose Oo Lagu Soo Xiray Cadaado

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu soo xiray shir soconayey muddo Afar maalin ah, kaasi oo looga hadlayey mideynta siyaasadaha dowladaha hoose heer qaran iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa lasoo gabagabeeyay shalay oo jimco ahayd waxaana ka qeybgalay xubno ka socda dowladda Federaalka gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Yaxye Cali Ibraahim ayaa saxaafadda waxa uu u faah faahiyey waxyaabihii shirkan kasoo baxay, waxaana uu sheegay in is faham kusoo dhamaaday, iyadoo qodobada kasoo baxay ay ka mid yihiin:-

1- Waxaa la sameeyay gole ka kooban 7 xubnoo oo kala ah wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo maamullada dhismaya.

2- Golaha inuu noqdo madal ay ku wada tashadaan kuna lafa guraan horumarka shaqooyinka wadaagaan hay’adaha sare ku xusan.

3- Goluhu waxa uu mas’uul ka yahay qorsheynta, hoggaaminta iyo Kormeerka hannaanka wada jir.

4- Waxaa la qeexay laguna heshiiyay waajibaadka iyo mas’uuliyadaha madasha

5- Waxaa lagu heshiiyay in dowlad goboleedyada mas’uul ka yihiin sameynta dowladda hoose.

6- Waxaa lagu heshiiyey marka xasilinta la sameynayo in degmooyinka la’isku raaciyo sida ay isugu dhow yihiin.

7- Waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo xiriirka wasaaradaha arrimaha gudaha ee Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyo maamullada dhismaya.

8- Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka waa in ay xil iska saartaa sidii dhaqaale loogu heli lahaa hannaanka wadajir ee dowladaha hoose.

9- Waxaa lagu heshiiyey in barnaamijka wada jir uu noqdo hannaanka loo adeegsan doono dib u heshiisiinta, wada hadalka bulshada, mashaarciida bulshada iyo dhismaha golayaasha deegaanka.

10- Buugga hannaanka wadajir waxaa la marsiiyey akhrintii ugu dambeysay si wadajir ah ayaana loo ansixiyey.

Qaar ka mid ah wasiirada ka socday maamul goboleedyada ee shirkaan ka qeybgalay ayaa sheegay in haddii la dhaqan geliyo heshiiskan uu meel mar u yahay dowladnimada Soomaaliya.

Shirkaan lagu soo gabagabeeye Cadaado ayaa waxaan kasoo qeybgalin maamulka Puntland taasi oo muujineysa khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News