U bood dhigaalka

Shirka Midnimo Ee Magaalada Garbahaareey Oo Dhawaan Furmaya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shirka GarbahaareeyMagaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo Shirka Midnimo wejigiisa Labaad.

Maxamed Aadan Cali Dheere oo ah Afhayeenka shirkaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in 21-ka bishaan uu shirkaan si toos ah u furmi doono, waxaana dhanka kale uu ka hadlay sababta keentay in muddo badan uu dib uga dhaco waqtigii loogu tala galay.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka in ergadii iyo siyaasiintii kale ee shirkaan ka qeyb galaysa ay ku mashquulsanaayeen Khilaafka ka dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Hore Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa inoo sharaxay wejiga Labaad ee Shirka Midnimo waxyaabaha diiradda lagu saarayo, isaga oo tilmaamay in qodobka ugu muhiimsan ay tahay Arimaha Jubba oo mowqif mid ah laga qaadan doono.

Magaalada Garbahaareey waxaa horay uga dhacay shirka Midnimo wejigiisa Labaad, kaasi oo ay isugu yimaadeen beelo dega Gedo, waxaana uu ahaa wejigaasi sidii loo xalin lahaa colaadda iyo hadii ay jiraan waxyaabo la kala tabanayay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News