U bood dhigaalka

Shirka Sanadlaha Ah Ee Madasha Oslo Oo Maanta Ka Furmaya Norway

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in dalka Norway uu ka furmo shirka sanadlaha ah ee Madasha Oslo, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirkan ayaa soconaya Labo cisho, waxaana looga hadli doonaa waxyaabaha ku hor gudban dedaallada Nabad dhalinta iyo sida looga gudbi karo caqabadahan.

Shirkan ayaa xubnaha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kheyre ayaa lagu wadaa in uu  magaaladaasi kula kulmo madaxda shirkan ka qeybgaleysa qaarkood oo uu kala hadli doono xiriirkooda kala dhaxeeya Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeeena kale

Goobjoog News