U bood dhigaalka

Shirka Saxaafadda Somaliland oo Hargeysa lagu Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Kulankan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Hargeysa ayaa  ahaa shirka sanadlaha ah ee saxaafadda Somaliland iyo xuska maalinta saxaafadda Somaliland. Waxaana kasoo qayb-galay saxafiyiin ka kala socotay gobollada Somaliland iyo  madaxda axsaabta siyaasadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa lagu lafaguray qaabkii loo heli lahaa warbaahinta si madax-bannaan oo dhex-dhexaad ah u tebisa wararka iyo warbixinada ay samaynayaa weriyeyaasha ka hawl-gala Somaliland.

Yaxye Maxamed Cabdi, Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo iyagu kulankan soo qaban-qaabiyay ayaa Goobjoog News u sheeg in ujeedada kulankani ay tahay sidii Somaliland looga heli lahaa weriye xirfadle ah oo dhexdhexaad ah.

Ugu dambeyntii, waxa kulanka abaalmarino lagu guddoonsiiyay qaar kamid ah weriyaasha Somaliland oo ku tartamay warbixinno ku saabsan arrimaha bulshada, iyadoo weriyeyaasha guulaystay ay heleen abaalmarinta loogu magac-daray weriye Axmed Xasan Cawke ee Cawke Media Award.

Goobjoog News