U bood dhigaalka

Shirka Tamarta iyo Todobaadka Batroolka Qaaradda Afrika oo Ka Socda Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuum,adda Federalka Soomaaliya  Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyay shirka Tamarta iyo todobaadka shidaalka Afrika oo ka dhacaya magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kaas oo ah sanadkii 28-aan ee shikaan uu qabsoomo.

Shirkaan oo ayaa waxaa isugu yimid 45 Wasaaradood  oo kala socday wadamada qaarada Afrika ee Macdanta iyo Batroolka  Afar boqol oo xubnood oo ka socda shirkadaha gaaska iyo Batroolka soo saaro iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay shirka, waxaana uu socon doonaa muddo sedex cisho ah.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shirkani uu Soomaaliya u leeyahay ahmiyad gaar ah, maaddaama looga hadlayo sidii ay Afrika isugu filnaan lahayd marka la eego dhanka tamarta iyo sidii aan u kasban lahayn maalgashadayaasha ilaha dhaqaale ee uu waddanku leeyahay.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta waddamada Afrika ee qaniga ku ah macdanta iyo Batroolka, iyadoo shirkadaha soo saarana ay indhaha si gaar ah ugu hayaan inay maal gashiyo ku samaystaan dalkaan ku yaalla geeska Afrika, waxaana uu soo bandhigay fursadaha ugu furan dalka.

Goobjoog News