U bood dhigaalka

Shirka Farmaajo Uu Ku Baaqay Oo Khamiista Furmaya

Sheeko:Amniga

Waxaa magaaalada Muqdisho la filayaa in berri oo Khamiis ah uu ka furmo shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .

Shirkaan oo uu madaxweeynihii hore dalka ku baaqay Shalay oo Talaada aheyd ayaa looga hadli doona arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyada Doorashada .

Kulanka uu ku baaqay Farmaajo ayaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan Isaga, Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Jubbaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland .

Xalay maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wada jir ah u soo dhaweyay shirka Arrimaha doorashooyinka , iyagoo ku baaqay in goobta uu shirka ka dhacayo Ammaankeeda aad loo sugo.

Puntland ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay in loo bahan yahay in ay shirka qaban qaabadiisa iyo sugidda Ammaankiisa ay iska kaashadaan AMISOM iyo Saaxibada Caalamka .

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntaland .

Dhankooda Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegen in ay diyaar u yihiin ka qeeyb qaadatashada shirka looga hadlayo doorashooyinka dalka .

“Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17” ayaa lagu yiri qoraal uu madaxweeynaha Jubbaland uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka .

Labada Maamul gobaleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ku baaqay in fursad la siiyo wada hadalada Midawga musharixiinta iyo Rooble u socda .

Dhanka kale Midawga Musharixiinta ayaa ka soo horjeestay kulanka uu ku baaqay Magaalada Muqdisho in ay isugu yimaadan madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midawga ayaa sheegay in shirkan uu carqalad ku yahay shir Midawga musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble Khamiista uga furmi lahaa Muqdisho .

GoobJoog News