Shirka Wada Tashiga Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Muqdisho

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada, kaasi oo shalay furmay.

Waxaa shirkaan ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Gudoomiye Jawaari, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyhanaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Shirkaan ayaa looga tashanayaa hanaanka doorashada dhici doonta 2016-ka ay noqoneyso iyo sidoo kale ka hadalka khilaafyada jira.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirkaasi laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan wax la’isku fahmo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW