U bood dhigaalka

Shirka Wada Tashiga Horumarinta Qorshaha Qaran Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ka furmay shirka wada tashiga horumarinta qorshaha qaran, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin dhowr ah.

Shirkaan oo maanta furmay waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Labada gole ee maamulkasi, wakiillo ka socday maamullada dalka ka jira, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxyaabaha looga hadli doono shirkaan inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah baahiyaha ka jira deegaannada Galmudug sida qorshaha qaran loogu biirin lahaa iyo arrimo kale.

Ku simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka iyo xiriirka caalamiga ee dowladda Federaalka Cabdullaahi Sheekh Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sameynta qorshe qaran si looga gudbo dhibaatooyinka ka jira dalka.

Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka in qorshe la’aantu ay tahay indho la’an, islamarkaana dowladda ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa qorshe dowlad gobaleed walbo aysan ka maqneyn.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka qeybgalayaasha shirkan kula dardaarmay in si dhab ah ay usoo gudbiyaan baahiyaha ka jira deegaannada Galmudug.

“Degmooyin badan baad ka timaadeen, sida deegaannada xeebaha, waxaa la’idiin kaga baahan yahay inaad soo bandhigtaan baahiyaha dhabta ah ee jira, baahiyaha Kalluumeysi, beeraha, waddooyinka si loogu daro qorsha qaran” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Shirkan wada tashiga Horumarinta Qorasha qaran ayaa magaalada Cadaado ka socon doona Labo Maalin, waxaana horay loogu soo qabtay shirkaan magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo, waxaana diiradda lagu saari doonaa baahiyaha ka jira Galmudug si loogu biiriyo qorshah qaran ee Seddaxda sano ee soo socota.

Goobjoog News