U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga DF iyo Maamul Gobaleedyada Oo Talaadada Dib Loogu Balamay

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw soo gaba gaboobay Shirka arrimaha doorashooyinka oo maalintii labaad Teedha ku taalla Afisyooni uga soconayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .

Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin waxyaabaha madaxda ay isla garteen ayaa soo xirmay , iyadoo ay muuqato kala fogaan aragtiyadeed oo madaxda qaar ka dhex jirta .

Wararka  GoobJoog News  ka heleyso ayaa sheegaya in madaxda qaar weli ay isku mari la’yihiin qodobada shirka looga hadlayo , iyadoo shirka dib la isugu soo noqon doono maalinta Talaadada.

 

Shirka ayaa la sheegay in uusan berri oo Isniin ah qabsoomi doonin sida ay inoo sheegen illa ku dhaw dhaw Shirka .

Illa iyo hadda wax natiija ah kama soo bixin shirka labada maalin madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga socda Muqdisho .

Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa goordhaw ka ambabbaxay magaalada Muqdisho markii uu soo dhamaaday shirka , isagoo aaday madaxweeynaha magaalada Dhuusamareeb.

Socdaalka madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in madaxweeynaha uu ka dhamaaday waqtiga dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug madaxweeynaha u ogolaanayo in uu deegaanka ka maqnaado.

Dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa madaxweynaha u fasaxaya in uu kaliya 45 maalmood madaxweeynaha ka maqnaan karo deeganada maamulkaas.

Dhanka kale dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan wada hadalada xalka loogu raadinayo doorashooyinka .

Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri”Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Maalinkii labaad ka qeybgalay shirka hordhaca ah ee u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.”

“Shirkan oo loogu gogol xaarayo shir weynaha Doorashooyinka ayaa diirada lagu saaray sidii meel la iskula dhigi lahaa ajandaha shirka soo socda iyo arimaha kale ee mudnaanta u leh Doorashada.”
“Madaxdu waxay sii wadi doonta wada hadalada hordhaca ah iyadoo laga wada arinsanayo sidii dalka loogu jihayn lahaa Doorasho loo dhan yahay.”
Dhinaca kale Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa soo dhaweysay dadaalada ay beesha caalamka waddo ee xal loogu helayo doorashooyinka Soomaaliya .
“Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri”

Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.”
“Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.”