U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Oo Dib U Dhacay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo maanta lagu balansanaa in uu Muqdisho uga furmo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.

Shirkan oo yimid kadib markii 15-kii bishaan ay kulan dhanka fogaan aragga ah ay wada yeesheen madaxda ayaa lagu waday in looga wada hadlo xaaladdaa doorashooyinka, si gaar ah doorashada golaha shacabka oo maalmaha soo socda ka dhaci doona dalka.

Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaan ka maqan magaalada Muqdisho oo uu shirka ka furmi lahaa.

Rooble ayaa safar seddax maalin ah ugu maqan dalka Masar halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalkaaas.

Illaa iyo hadda ma cadda maalinta rasmiga ah ee uu furmayo shirka wadatashiga doorshooyinka dalka.

Goobjoog News