U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Dowladda Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Galaya Maalintii Sedexaad

Sheeko:Dalka

Shirka wada tashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada ayaa galaya maalintii Sedexaad, xilli shirkaasi isaga baxeen xubnihii matalayay maamulka Puntland.

Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo ayaa ah in laga wada tashado hanaanka doorashada dhacaysa 2016-ka iyo sidoo kale xallinta khilaafyada siyaasadeed ee jira.

Hase ahaatee madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale xubnihii uu horkacayay ayaa isaga baxay shirkaasi, arrimo la xiriira maamulka Galmudug oo ay diidan yihiin.

Xubnaha beesha caalamka ee shirkaasi ka qeybgalaya ayaa waxay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan in dib ay ugu soo celiyaan ergada Puntland si shirka looga soo saaro go’aan mid ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News