U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Dowladda iyo Maamulada Dalka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug , ka furmaya shirka wada tashiga dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka.

Shirkan oo noqonaya midkii 4 aad oo ay madaxda isugu tagaan magaalada Dhuusamareeb ayaa looga hadlaya xaaladda dalka , si gaar ah tabashooyinka iyo khilaafaadyada ka jira arimaha doorashooyinka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xalay kulan duceedyo hordhac ah ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda halkaas ku sugan ee ka qeeyb galayo shirka Dhuusamareeb 4 .

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in shirka oo lagu balansanaa shalay in uu furmo uu u baaqday sababa la xiriira qaar ka mid ah madaxda shirka ka qeeyb galeysa oo daalaneyd.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya in uu si toos ah magaalada uga furmo shirka wada tashiga arimaha doorashooyinka dalka.

Amaanka magaalada dhuusamareeb ayaa aad loo adkeyay , halkaaas oo ay ku sugan yihiin madaxweeynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, iyo madaxda shanta maamul gobaleed ee dalka , Jubbaland , Koonfur galbeed, Hirshabeelle , Puntland iyo Galmudug.