U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Puntland Ee Ka Socda Gaalkacyo Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Magaaladda Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Waxaa Maanta Lagu Soo Xirayaa Shirka wadatashiga Puntland Kaas Oo 25-ka Bishaan Ka Furmay magaaladaasi.

Shirkaan waxaa Ka Qeybgalay Ergooyin Kala duwan Oo Ka kala yimid  Goboladda Puntland, kuwaas oo Weli ka doodaya xaaladda guud ee Puntland.

Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago oo ah Afhayeenka Nabadoonadda Gobolka Bari oo u waramay Goobjoog News ayaa Sheegay in Shirkaan uu Noqonayo mid ay ka soo baxaan Qodobo Dhaxalgal ah oo dan ugu jirto Shacabka Puntland.

Sidoo Kale waxa uu Sheegay in Shirkaan mudadii uu socday looga Dooday hormaradda ka socda gudaha Puntland iyo caqabadaha kale ee taagan.

Mar aan wax ka weydiinnay Dadka dhaliilsan Shirkaan ayuu Sheegay ineysan dhammaan dadka isku fikir noqon arrin, ayna Jiraan dad aragtiyo kala duwan Ka Qaba shirka.

Dhinaca kale Nabadoon Xarago Ayaa meesha ka saaray in shirkaan uu Carqalad ama dhibaato ku yahay koox, Urur ama beel gaar ah kuwaasi oo
laga tashanayay.

Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii Labaad ee ugu weynaa kaas oo Looga tashanayo aayaha Puntland, Waxaanna kulankaan oo kale uu ahaa
kii dhacay 1998-kii kaas oo lagu dhisay Puntland.

Yuusuf Cabdi Shire

Goobjoog News