U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Qaran oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran. Shirka ayaa waxaa aan ka qeyb galin madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Goobjoog News