U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Qaran oo Ka Furmay

Sheeko:Amniga

Shirka wadatashiga qaranka ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii caasimadda ay soo gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada,  marka laga reebo Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka uga qeyb galaya habka fogaan araga iyo guddoomiye gobolka Madaale oo xilka aan la wereegin .

Shirka ayaa waxaa shir guddoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Shirkaan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa madaxda Qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa shirkaan inta uusan isugu yeerin madaxda waxaa uu safarro kale  duwan uu ku tagay dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago Jubbaland iyo Hirshabeelle, shirkaan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dalka ay ka jirto abaar, taas oo dadka iyo duunyada saamaysay .Goobjoog News