Shirka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Ee Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maalintii Labaad Ka Soconaya Jowhar

Shirka wasiiradda arrimaha gudaha ee dowladd Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa maalintiisa Labaad maanta galaya, kaas oo ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Shirkani oo ay wasaaradaha arrimaha gudaha DFS u qabaneyso kuwa maamul goboleedyada ayaa lagaga hadlayaa wada shaqeynta wasaaradahaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa illaa hadda shirka ka maqan lamana oga sababaha ay uga maqan tahay shirkaasi.

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlayo waxaa kamid ah sida dib u heshiisiin ay u sameyn lahaayeen dowlad goboleedyada.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana dhanka kale, soconaya howlgallo ciidamada Hirshabeelle ay wadaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW